Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia oo gaaray degmada Baraawe

MARKA(P-TIMES)- Madaxweynaha cusub ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (lafta gareen) ayaa markii ugu horaysay, isaga oo madaxwyene ah waxa uu tagay degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose.

Waxaa safarkiisa ku wehliya guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye, Xildhibanao iyo Wasiiro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada qaybaha kala duwan ee bulshada degmada Baraawe ayaa halkaasi kusoo dhaweeyay madaxwyene Laftagareen.

Degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ah xarunta rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaana madaxweynaha uu maamulka iyo bulshada kala hadli doonaa sida ay suurtagal ku nooqn karto in maamulku uu Baraawe usoo giiro.

Amniga degmada Baraawe ayaa maanta aad loo adkeeyay waana safarkii labaad ee uu Baydhjabo uga baxo madaxweyne Lafgareen, waxaana safarkiisii ugu horeeyay uu ku tagay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Share on Facebook

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.