Trump oo ka carooday shir uu la lahaa xisbiga Dimuquraadiga

WASHINGTON(P-TIMES)- Madaxweyne Donald Trump ayaa isaga baxay kulan uu la lahaa hoggaamiyeyaasha xisbiga dimuquraadiga ah ayadoo ay burbureen wada xaajoodyadii ku aaddanaa laamaha xukuumadda Maraykanka ee xiran maalintii 19aad.

Madaxweynaha ayaa isaga baxay wadahadalkii kadib markii Nancy Pelosi iyo Chuck Schumer ay ku adkaysteen diidmadooda ku aaddan dhaqaalaha lagu bixinayo qoorsha madaxweynuhu uu ku doonayo in darbiga looga dhiso xuduudda Maraykanku uu la wadaago Mexico.

Mr Trump ayaa kulankaas ku tilmaamay in uu ahaa waqti lumis.

Boqolaal kun oo ah shaqaalaha federaalka oo shaqaynaya mushahaar la’aan ayaa toddobaadkan waayi doona gunnooyinkooda.

Mr Trump ayaa ku hanjabay in uu ku dhawaaqi doono xaalad degdeg ah oo qaran haddii ay sii socoto xiisadda la xiriirta darbiga, asagoo garab mari doono ansaxinta Koongareeska ee dhisidda gidaarka.

Ismari waagaan ayaa dhaliyey in ay xirnaadaan laamo kamid ah xukuumadda tan iyo 22 December.

Leave a Comment