WAR DEG DEG AH: Doorashadii Baarlamaanka oo ay gudaha u galeen C/weli Gaas, Asad Diyaano & Deni & Xildhibaanadii oo la kala qaybsaday “Anaa guulaysan doona mayee anaa ku leh”

GAROWE(P-TIMES)- Waxaa si rasmi ah uga bilaabantay Hoolka Baarlamaanka Puntland doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo ku xigeenadiisa.

Wareega koowaad oo doorashada ayaa haatan socda, waxaana musharaxiinta u taagan xilka gudoomiyaha Baarlamaanka oo gaadhaya 4 musharax ay la safan yihiin qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimada Puntland.

Hadaba Puntlandtimes.com oo daba gal ku samaysay arintani ayaa heshay xoggo rasmi ah oo ku aadan musharaxiinta ay la kala safan yihiin xildhibaanada haatan ku loolamaya jagada gudoonka Baarlamaanka Puntland waana sidan hoos ku qoran.

1- Xildhibaan Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed oo loolan ugu jira xilka gudoomiyaha Baarlamaanka waxa uu la safan yahay Musharax Gen. Asdad Diyaano.

2- Xildhibaan C/xakiin Maxamed Axmed (Dooba Daareed) waaxa uu kamid yahay Gaashaan buurta Siciid Deni

3- Xildhibaan Abwaan C/rashiid Yuusuf Jibriil oo taageeraha mayalka adag ee madaxweyne Gaas waana shakhsiga kaliya ee uu ka wato xildhibaanada Baarlamaanka Puntland.

4- Xildhibaan C/raxmaan Cali Jibriil oo ah musharax afraad ee gudoonka Baarlamaanka waa go’ doon mana jiro cid uu garabka ku hayo.

Doorashada Puntland & qaabka ay u socoto kala soco WWW.PUNTLANDTIMES.COM

Share on Facebook

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.