WAR HADA SOO DHACAY: Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka P/land oo ku dhawaaqay war culus oo ku aadan musharaxiinta & Gudigii doorashada oo goor dhow lagu dhawaaqayo

GAROWE(P-TIMES)- Kadib markii goor dhoweyd lasoo gaba gabeeyey doorashadii gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo labadiisa ku xigeen oo saaka ka bilaabatay Hoolka Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa si rasmi loogu dhawaaqay in xili dhow lasoo saarayo liiska gudida doorashada madaxtinimada Puntland.

Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland C/kariin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) ayaa sheegay in xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay shaqo adag u taalo isla markaasna isla caawa lasoo saari doono liiska gudida doorashada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo dhici doonta 8-da bishani January ee 2019.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa waxa ay wataan yeelan doonaan shirar iyo kulamo ku aadan doorashada madaxtinimada Puntland, waxaana maalinta beri ah kulankoodii ugu horeeyey uu ka dhici doonaa xarunta Baarlamaanka Puntland.

Musharaxiinta xilka madaxtinimada Puntland ayaa loolan dheer ugu jira hanashada xilka ugu sareeya Puntland, waxaana maalmo kooban ay ka hadhsan tahay doorashada madaxtinimada Puntland.

HADABA RIIX HALKAN OO KALA SOCO WARARKA DOORASHADA PUNTLAND

2 Comments

  1. Waxba keeni mayso in qof la badelo waa in nidaamka iyo sida wax u shaqeeyaan la badelo si loo helo isla xisaabtan iyo matalaad dhab ah

Leave a Reply

Your email address will not be published.