Xildhibaan ku tilmaamay meel marinta xeerka Bangiga Dhexe khiyaano qaran

MUQDISHO(P-TIMES)- Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ku sheegay wax ka badalka Xeerka Bankiga Dhexe Qiyaano Qaran.

Waxaa uu sheegay in maanta Xildhibaanada ay qaadeen tilaabo aan ku wanaagsaneyn ilaalinta Sharciga iyo xaqa umadda Soomaaliyeed.

”Waxaan idiin sheegayaa in Xeerkaan uu yahay mid aan sax ahayn mana ahayn in Guddoonka Golaha Shacabka uu qabto oo uu horkeeno Golaha Shacabka ee Baarlamaanka“ ayuu yiri Xildhibaan Cabdulaahi.

Xildhibaan Cabdullaahi M Nuur ayaa faray Saxaafadda in ay diwaan galiso Xildhibaannadda hor boodaya Xeerkaan si ay u xusto taariikhda loona ogaado.

Leave a Comment