Bosaso oo saaka wada ciidan ah & Dil argagax reebay oo ka dhacay xili maalmo ka hor…..

GAROWE(P-TIMES)- Wararka ka imaanaya magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubaysan ay habeenkii xalay ahayd ganacsade ku dileen bartamaha magaaladaasi Bosaso.

Dilkan ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay xaafada Raf iyo Raaxo ee magaalada Bosaso, waxaana ganacsadaha la dilay lagu mgacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash sida la sheegay waxa uu xisaabiye guud ka ahaa shirkad ganacsi oo lagu magacaabo Horseed.

Kooxda dilka gaysatay ayaa waxaa la sheegay in ay goobtaasi ka baxsadeen.

Ciidamada amaanka ayaa saaka waxaa ay baaritaano kawadaan qaybo kamid ah bartamaha magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Dilka ganacsadani ayaa kusoo beegmaya xili maalmo ka hor ay ka samaynayeen ciidamadu gudaha magaalada Bosaso baaritaano lagu xaqiijinayo amaanka magaalada oo dilal kala duwan ay ka dhaceen.

Share this post

Post Comment