DAAWO: M/weynaha Puntland muxuu u sheegay ciidamada Difaaca oo uu maanta booqday?

GAROOWE(P-TIMES)- Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu maanta booqday xeraddii lagu asaasay maamulka 21 sanno jirsaday ee uu hadda madaxda ka yahay oo uu ka muuqdo dayactir la’aan baahsan, halkaas waxay saldhig u tahay ciidamada Daraawiishta ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland wuxuu la kulmay saraakiisha ciidamada kala duwan gaar ahaana Daraawiishta oo ah kuwa inta badan difaaca Xaduudaha mandiqada Puntland, wuxuu kala hadlay arrimaha ku wajahan dibu dhiskooda, Xaquuq Helidooda iyo doorkooda ku wajahan difaaca dalka.

Madaxweynaha Puntland oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa kula dardaarmay ciidanka difaaca Dowladda Puntland in ay ka shaqeeyaan difaaca iyo midnimada ummada Soomaaliyeed, isla’markaana waxaa uu ku bogaadiyey dhabar adayga, difaacidda jiritaankooda iyo dowladdoodaba.

Mr, Deni ayaa markii uu ku jiray loolanka doorashada balan qaaday in uu wax ka qaban doono Tayeynta ciidamada Difaaca ee Puntland, waana mid kamid ah balanqaadyadii ay ka sugayaan shacabku.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Xerada Ciidanka Daraawiishta PL ee 54-AAD

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo kormeeray Xerada Ciidanka Daraawiishta Puntland ee 54-aad Garoowe.

Posted by Puntland State House on Saturday, February 23, 2019

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.