DAAWO:Garowe oo lagu soo bandhigay maxaabiis hor leh & Ciidamada oo gacanta ku dhigay ilaa 20…..

GAROWE(P-TIMES)- Xili muddooyinkii ugu dambeeyey qaybo badan oo ka tirsan deegaanada Puntland ay ka socdeen hawlgalo lagu xaqiinayo amaanka ayaa waxaa maanta magaalada Garowe ee caasimada Puntland lagu soo bandhigay dhalinyaro gaadhaysa ilaa 20 qof kuwaas oo ku eedaysan falal amni daro ah sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Police-ka Puntland.

Taliyaha saldhiga dhexe Maxamuud Muuse Bila iyo taliyaha qaybta Booliska gobolka Nugaal Xasan Cabdulaahi Maxamed oo warbaahinta kula hadlay saldhiga dhexe ee magaalada Garowe ayaa sheegay in dhalinyaradani lasoo qabtay iyagoo gacmaha kula jira qaarkood dambiyada lagu soo eedeeyey isla markaasna ciidamadu hawlgalo ay ka fuliyeen caasimada ay kusoo qab qabteen, iyagoona dhanka kale ka dalbaday shacabka in ay la shaqeeyaan ciidamada amaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.