DEG DEG:Bosaso oo maanta kala xiran & Madaxweyne Denni oo bixiyey amarkii ugu cuslaa xili magaaladu….

GAROWE(P-TIMES)- Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland ayaa waxa ay hawlgalo culus kawadaan xaafado ka tirsan magalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo marar kala duwan ay ka dhaceen falal amni daro.

Hawlgalkan ayaa sida la sheegay waxaa hoggaaminaya taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen. Muxuyadiin Axmed Muuse oo maalintii shalay ahayd gaaray magaalada Boosaaso, iyadoona hawlgaladani inta badan laga samaynayo xaafada ay ka kooban tahay magaalada Boosaaso.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in hawlgalkan uu amray madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, kadib markii dilal qorshaysan ay ka dhaceen magalada Boosaaso todobaadyadii ugu dambeeyey.

Saraakiisha hawlgalka hoggaaminaysa weli wax faah faahin ah kama bixin, hayeeshee dad ku sugan Boosaaso ayaa waxa ay sheegeen in lagu qab qabtay dad u badan dhalinyaro oo ku sugan gudaha Boosaaso.

Share this post

Post Comment