DEG DEG:Wararkii ugu dambeeyey ee Madaxtooyada & Gollihiisa Wasiirada Puntland oo lagu dhawaaqayo marka la gaadho….

GAROWE(P-TIMES)- Xili maalmo kooban ay uga hadhsan tahay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni muddadii dheeraadka ahayd ee uu qabsaday si uu u soo magacaabo gollihiisa wasiirada ayaa waxaa ka socda gudaha madaxtooyada Puntland qaba qabaanada dhamaystirka liiska gollaha wasiirada Puntland.

Wasiirada Puntland ayaa ka koobnaan doona ilaa 16 wasiir, waxaana weli socda kulamo iyo la tashiyo kala duwan oo ku salaysan magacaabistooda.

Wararka hoose oo Puntlandtimes.com heshay ayaa sheegaya madaxweynaha iyo ku xigeenkiisuba ay wada yeesheen kulamo ay kaga wada arinsanayaan magacaabista gollaha wasiirada Puntland, waxaana qorshuhu yahay in la dhawaaqo liiska wasiirada maalinta beri ah ilaa Isniinta soo socota oo ku eeg muddadii 14-ka cisha ahayd ee uu dalbaday madaxweyne Denni si uu soo magacaabo wasiirada Puntland.

Xubnaha kamid noqon doona liiskani ayaa durbaba qaarkood ay soo galeen magacyadooda suuqyada magaalada Garowe, waxaana shacabku ay si weyn u hadal hayaan goorta lagu dhawaaqi doono.

Shacabka ayaa dalbanaya in uu madaxweynuhu soo magacaabo wasiiro tayo leh isla markaasna si wanaagsan u guta waajibaadkooda shaqo isla markaasna ay muhiim tahay in la xisaabtan la isla yeesho.

Madaxweyne Denni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash ayaa la doortay 8-dii bishii tagtay ee January, waxaana haatan horyaala shaqooyin adag.

Share this post

Post Comment