Dhimashada oo sare u dhaaftay 8 Qof, Hooyo & Ilamaheedii yaraa oo ku dhintay dab ka kacay magaalada…..

NAIROBI(P-TIMES)- Dab qabsaday hotel ku yaala magaalada New Delhi ayaa dilay ugu yaraan sagaal qof oo uu ilmo yar ku jiro sida saraakiil dowladda ka tirsan ay sheegeen.

Dabku waxa uu saacadihii hore ee Talaadada ka kacay Hotel Qasri ah oo ku yaala bartamaha magaalada Delhi.

“Sagaal qof ayaa dhintay haweeneey iyo ilmo yar ayaa ku jira saddex kalena waa ay dhaawacmeen” ayuu agaasimaha Waaxda dab damiska u sheegay Wakaaladda Wararka AFP.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa wariyey in ilmaha iyo hooyadii ay dhinteen xilli ay isku dayayeen in ay dabka ka baxsadaan iyagoo kasoo booday daaqad dhulkana kusoo dhacay.

Kooxda dab damiska ayaa soo badb aadiyay 35 qof oo halis ku jiray kadib hawlgal qaatay saac.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.