Imaaraadka Carabta oo fariin culus u soo dirtay Puntland kadib dilkii Paul Anthony Formosa

MUQDISHO(P-TIMES)- Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay si kulul u cambaaraynayaan weerarkii isbuucii hore lagu dilay Paul Anthony Formosa oo ahaa Maareyihii shirkadda P&O ee dekada Boosaso .

Hadal qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay inay la xiriireen Hay’adda P & O Ports ee hoostagta Shirkadda DP World una gudbiyeen Tacsida geeridii Paul Anthony Formosa oo u dhashay dalka Malta.

Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay in ay si dhow ula socdaan baaritaanada haatan socda ee loogu dabagalayo qaabkii uu u dhacay dilkaasi.

Dowladda Imaaraadka waxay ugu baaqday Puntland inay muhiimad gaar ah siiyaan badbaadada Shaqaalaha ka hawl-gala Dekedda Bosaaso si ay maalgashiga dekedaasi uga faa’iidaystaan Ummadda Soomaaliyeed waa sida hadalka loo dhigay.

Hadal qoraalka ee ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Imaaraadka Carabta waxaa kaloo lagu muujiyey inay Imaaraadka ka soo horjeedaan dhamaan noocyadda falalka colaadeed, iyado odhanka kalena lagu xusay baahida loo qabo inay Beesha Caalamka u midoobaan la dagaalanka waxa ay ugu yeereen cabsida Xag-jirka ee khatarta ku ah Ammaanka iyo Deganaandhaha dhamaan Dalalka Caalamka.

Share this post

4 thoughts on “Imaaraadka Carabta oo fariin culus u soo dirtay Puntland kadib dilkii Paul Anthony Formosa

  1. Heshiiska 30 ka milyan looga kiraystay dekadaa reer PUNTLAND raali kama aha wax dan ah oo ugu jirtaana ma jirto, waa in dib loogu noqdaa, umaddana loo soo bandhigaa waxa ku qoran.

    Reply
  2. Waxaan ka dhiibanayaa fekirkay shirkada imaarateka UAE waxaan leeyahay mark ii lala gelaayay heshiiska shirkadan ayaa khaldanaa waxaa la Rabay in shirkadu bilowdo deked cusub ee aanay midii hore cunaqatayn ku soo rogin iyo is hirtaag ganacsiga yar ee bagashka ah sidaa awgeed hadaan nahay shacabka reer puntland waan ka soo horjeednaa fikirkaa and hadii madaxweynaha cusub uu sidaa ku wado wax ka suuragalaaya ma jiraan shirkadaa waxay wadato yidaana dan u tegin waxayna hada ku joogtaa si sharci daro ah

    Reply
  3. Yaa dakada Bosasso gudahiis ku dilay FARMAAJO?

    PAUL ANTHONY FARMAAJO waxa dilay nin Cismaan Maxamuud ah, laakin waxa dembiga dusha laga saaray wiil Raxanweyn ah.

    Paul Anthony Farmaajo madaxa laga toogtey saasa Farmaajo ku dhintay.

    Reply

Post Comment