Somaliland oo shuruud adag ku xirtay wada hadalo ay la gasho Dowladda Somalia

HARGEYSA(P-TIMES)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan la qaatay ergayga uu waddanka Turkey-gu u magacaabay wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Oglan Baker oo uu wehelinayo wakiilka Somaliland u qaabilsan Turkiga Ambassador Ali Noyan.

Madaxweynaha iyo ergaygu Waxay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyey, siyaasadda guud ee mandaqadda geeska Afrika, waxana uu madaxweynaha Somaliland u sheegay ergayga in wada-hadalladii u dhexeeyey dalalka Somaliland iyo Soomaaliya maadaama oo aan wax miro-dhal laga gaarin ay Somaliland dalbanayso in dalalka Caalamku ay qayb ka noqdaan wada-hadalkaas.

Sidoo kale, Waxa uu madaxweynaha Somaliland u xaqiijiyey ergayga in deeqaha horumarineed iyo gargaarka dawladda Turkigu ku taageerto Somaliland iyo Soomaaliya aanay isu dheellitirnayn, sidaa awgeed ay Somaliland doorbidayso in si isku mid ah dalka Turkigu uu u qaybiyo kaalmo, si uu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ugu muujiyo dhexdhexaadnimo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.