WAR DEG DEG AH: Wasiiradii cusbaa oo kusii qul qulaya madaxtooyada Puntland & Dhaarintooda oo maanta….

GAROWE(P-TIMES)- War deg deg ah oo hadda naga soo gaarey aqalka madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe ayaa sheegaya in ay halkaasi gaareen xubnihii cusbaa ee golaha wasiirada dowladda Puntland.

Xubnaha cusub ee golaha wasiirada Puntland ayaa aqalka madaxtooyada gaar ahaan xafiiska madaxweynaha waxaa koox koox ugu dhaarin doona gudoomiyaha maxkamadda sare ee dowladda Puntland.

Waxaa hadda aqalka madaxtooyada ku sugan bahda saxaafadda Puntland oo qaadanaya doorkooda tebinta wararka la xiriira dhaarinta xukuumadda cusub ee uu habeen kahor soo magacaabay madaxweyne Siciid Denni.

Dhaarinta kadib ayaa waxaa wasiirada cusub madaxweyne Denni horgayn doonaa Baarlamaanka dowladda Puntland si uu ugu waydiiyo inay siiyaan codka kalsoonida si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Share this post

Post Comment