Wararkii ugu dambeeyey ee madaxtooyada & Madaxweyne Denni oo goor dhow ku dhawaaqi doona wasiiradiisa xili xildhibaano badan ay…..

GAROWE(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee Warsidaha Puntlandtimes.com uu hada ka helayo madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe ayaa waxa ay sheegayaan in saacadaha soo socda lagu dhawaaqi doono gollaha wasiirada Puntland, waxaana madaxtooyada ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ku aadan magacaabista gollaha wasiirada.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Denni ayaa kulamo iyo la tashiyo kala duwan samaynayey saacaddihii ugu dambeeyay, kuwaas oo ku aadan ku dhawaaqista gollaha wasiirada Puntland.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo maanta kal fadhi ku yeeshay xarunta Baarlamaanka Puntland ayaa meel mariyey in wadarta guud ee wasiirada hal mar ah la meel mariyo isla markaasna waxaa looga fadhiyaa madaxweynaha ku dhawaaqista wasiirada cusub.

Shacabka Puntland ayaa inta badan si aad ah u hadal haya ku dhawaaqista wasiirada cusub oo shaqo badan ay u taalo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.