Weerar lagu dilay saraakiil laguna soo furtay gaadiid dagaal oo ka dhacay Gobolka…..

MUQDISHO(P-TIMES)- Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal la sheegay in lagu soo furtay gaadiid dhuxul siday laguna dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolka shabeelaha Hoose.

Howgalka ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay deegaanka Leego ee gobolka shabeelaha Hoose.

Waxaana lagu soo waramayaa inta howlgalka uu socday inuu jiro dagaal dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamada howlgalka waday.

Taliyaha qeybta 60aad ee ciidanka xooga dalka korneel Maxamed Cabdulahi Caraaye oo la hadlay idaacada ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa waxa uu sheegay iney dileen xubno ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo uu tiradooda ku sheegay 5 dagaalame sidoo kalana waxa uu tilmaamay iney howlgalkaasi ku soo furteen hub aad u fara badan.

Howgalkal ay sameeyeen ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa kadib markii maalmihii dambe Al-Shabaab ay gubayeen gaadiid badan oo sida dhuxusha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.