Xaalad adag oo ka dhex taagan xisbiyada Jamhuuriga & Dimuqraadiga Maraykanka

Members of the 113th Congress bow their heads in prayer as they convene in the Capitol in Washington January 3, 2013. In the wake of bruising fights in their own ranks over the "fiscal cliff" and aid for victims of superstorm Sandy - Republicans in the U.S. House of Representatives open a new Congress on Thursday more divided than ever. REUTERS/Kevin Lamarque (UNITED STATES - Tags: POLITICS)

NAIROBI(P-TIMES)- Wada hadalladii xubnaha Jamhuuriga iyo kuwa Dimuqraadiga Aqalka Congress-ka Maraykanka ee loogu talagalay in looga hortago in mar kale ay hawlaha dawladdu hakadaan ayaa is fahanwaa ku soo dhammaaday.

Ergooyinkan ayaa rajaynayay in ay is fahmaan si ay Aqalka Congress-ka u siiyaan wakhti uu ku ansixiyo Jimcaha, maalintaas ayuuna ku egyahay heshiiskii bishii hore la gaaray ee lagu ansixiyay kharashaadka dawladda.

Isfahan waagan waxaa xudun u ah meesha uu madaxweyne Donald Trump ka taagan yahay dhaqaalaha ku baxaya darbiga uu rabo in laga dhiso xadka Maraykanka iyo Mexico.

Hawlaha Dawladda Maraykanka ayaa horay u xirmay 35 maalmood, arrintaas oo noqotay middii ugu wakhti dheerayd taariikhda dalka Maraykanka.

Ismariwaagan u dambeeyay waxaa keenay markii xisbiga Dimuqradigu uu dalbaday in waaxda socdaalka iyo dhaqangalinta arrimaha canshuuraha ee loo soo gaabiyo ICE ay diiradda saarto xirxiridda dadka soo galootiga ah ee dambiyada galay badalkii ay xirxiri lahaayeen dadka dal ku galku uu ka dhacay, arrintaas oo ay sheegeen in ay xadidayso sariiraha goobaha dadka lagu hayo sida uu ku warramay wargeyska New York Times.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.