AKHRISO:Magacyada Soomaalida ku dhimatay weerarkii Masjidka Al-nuur ee dalka New Zealand

MUQDISHO(P-TIMES)- Inkastoo wali aan la shaacin tirada rasmiga ah ee ku waxyeelowday toogashada ka dhacday Masjid ku yaala xaafadda Christchurch ee New Zealand ayaa hadana waxaa la helayaa warbixin hordhac ah oo weerarka la xiriirta.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Saddex ruux oo Somaali ah ay qayb ka ahaayeen dadka ku dhintay weerarkaasi, waxaana jirta dad kale oo dhaawacyo ay kasoo gaareen weerarka Masjidka Al Nuur.

Dadka waxyeelada ay gaartay waxaa kamid ah macalin dugsi oo ku yaala xaafadda weerarka uu ka dhacay, waxaana magaciisa lagu sheegay Sheekh Muuse Nuur Cawaale oo muddo ku sugnaa dalkaasi.

Waxaa sidoo kale dadka waxyeelada soo gaartay kamid ah ruux magaciisa lagu koobay Sheekh C/qaadir, oo ka tirsanaa shaqaalihii wakaaladii Biyaha Soomaaliya sida ehelada qaar laga soo xigtay.

Dadka sidoo kale ku dhintay weerarka waxaa ku jira Cabdullaahi Aadan Diiriye oo ahaa wiil lixsano jir ah, waxaana ku dhaawacmay aabihiisa Aadan Diiriye oo isku meel ay ku dukanayeen Salaada Jimce.

Dowladda New Zealand wali ma aysan shaacin dadka ku dhintay kuna dhaawacmay weerarka, waxaana la sheegayaa in ku dhawaad 200 ruux inay Masaajidka ku dukanayeen.

Share on Facebook

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.