CAJIIB: Cristiano Ronaldo Oo Sii Saadaaliyay In Uu Saddexley Ka Dhalin Doono Atletico Madrid

Xiddiga Kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay wareega 8 dhamaadka champions League kadib 3 gool oo uu ka dhaliyay Atletico Madrid.

Juventus ayaa ka soo laabatay 2 gool oo ay Atletico Madrid ku soo badisay lugtii 1-aad ee ka dhacday garoonka Estadio Wanda Metropolitano.

Xiddiga reer Portugal ayaa si cajiib ah u sii saadaaliyay in uu saddexley ka dhalin doono kooxda Atletico Madrid ka hor ciyaarta.

Cristiano Ronaldo ayaa kaga dhabeeyay saadaashaas isaga oo saddex gool ka dhaliyay kooxda Atletico Madrid kooxdiisana ku hogaamiyay wareega 8 dhamaadka.

Ronaldo ayaa 2 gool ku dhaliyay madax ka hor inta uuna goolka 3-aad ku dhalin rikoodhe loo dhigay kooxdiisa.

CR7 ayaa haatan sii wadi doona riyadiisa ku guulaysiga champions League markii 4-aad oo xiriir ah iyo in uu kula guulaysto kooxda Juventus tartanka sanadka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.