DAAWO:Somaliland oo dagaalkii ugu cuslaa isku diyaarinaysa, Ciidamo kusii qul qulaya jiidaha hore Iyo Puntland oo ku dhawaaqday in ay….

CEERIGAABO(P-TIMES)- Xaalada gobolka Sanaag ayaa ah mid aan deganayn, waxaana halkaasi saacadihii ugu dambeeyey kusii qulqulayey cutubyo katirsan ciidamada maamulka Somaliland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka.

Ciidamadan laga soo diray Hargeysa oo soo gaadhay Ceerigaabo ayaa la sheegay inay tagi doonaan deegaano katirsan gobolka Sanaag, waxaana ay goosteen wadooyinkii isku xidhi jiray degmooyinka Ceerigaabo, Yubbe iyo Hadaaftimo ee gobolka Sanaag.

Dhinaca kalena masuuliyiin katirsan Puntland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Badhan ayaa ku dhawaaqay in Puntland aysan dagaal ka fursan doonin hadii aysan Somaliland joojin daan daansiga ay kawado gobolka Sanaag sida ay hadalka u dhigeen.

Somaliland ayaa ku andacoonaysa in ay ka cabsi qabto weeraro kaga yimaada Jabhadda Caarre ee fadhiisinka kuleh duleedka degmada Qardho ee xarunta gobolka Kar kaar oo dhowr jeer xitaa masuuliyiin dowladeed ka qabatay maamulka Somaliland.

Muuse Biixi ayaa amar ku bixiyey in ciidamadiisu ay isku balaadhiyeen deegaano badan oo ka tirsan gobolka Sanaag, waxaana gudaha Hargeysa ka socda kulamo kala duwan oo u dhaxeeyey saraakiisha ciidamada Somaliland iyo Muuse Biixi oo laga yaabo in uu socdaal dhanka dhulka ah ku tago deegaanada ay qabsadeen ciidamadiisu.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

3 Comments

  1. Caqli caruur miyaad tahay?
    weli ma niicdii baad wadaa ?
    waxaanu saxaafad maaha ee sida isu dhaan .

    Ha ka hadlin waxa pl uga diyaarsan difaaca masiirka dadkeeda iyo dalkeeda kuwa xukunka hayaa haday caddowga la shaqaynayaan xilka waanu ka wareejinaynaa shacabka pl iyo xuduudihiisana waan gaaraynaa InshaALLAH .

    Ee adigu ma joojin kartaa niicda aad meel waba ku soo qoraysid ee ah caashaa saastiri iyo hebel dagaalamimaaayo oday hebel baa saas qaba walaahay inaaan nina loo joojinayn hartina inaan dagaal loo tilmaamayn hal todabaadna inayan nagu qaadanayn .

    Adna haddaan mar dambe ku arko websidkaaga niic dambe waaban kaa xiraynaa .

    Ee soo baro saxaafada iyo arima la shaaciyo iyo arimaha kale. Hoy hoy hortaada eeg .bidix midig ula socooo.

    Dhafoor qiiq dhaqdhaqaaq looma tilmaamo

  2. Kuwan mana dagalamaan dhuusana ma dayaan kkkk adeerayaaloow ama dagalaama sida raga wax iska dhiciya ama naga aamus oo dhuusada naga yareeyaa sidii haweenkii uunbaa niicda haysaane!

    Guul Somaliland!

Leave a Reply

Your email address will not be published.