DAAWO:Dagaalkii u dhaxeeyey Jabhadda Caarre & Somaliland oo sii xoogaystay + Wasiirkii ugu tunka weynaa Somaliland oo gacanta lagu dhigay xili uu…..

GAROWE(P-TIMES)- Xili mar kale cirka ay isku sii shareereen xiisadaha dagaal ee u dhaxeeya dhinacyada Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa gacanta lagu dhigay mid kamid ah wasiirada ugu tunka weyn maamulka Somaliland xili uu kusii jeeday gobolka Sanaag.

Hogaamiyaha Jabhadda xornimo u dirirka iyo dulmi diidka deegaanada Waqooyiga dalka Soomaaliya General Saciid Cawil Jaamac Caarre oo faah faahin ka siiyey warbaahinta hawlgalo ay ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Sanaag ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland xili uu kusii jeeday magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, hasa yeeshee ay kusii daayeen qaab qabiil maadaama uusan dagaal ka dhaxayn Jabhaddiisa iyo Beesha Warsan geli oo uu kasoo jeedoa wasiirku isla markaasna aysan wax dhibaato ah dhex oolin waa sida uu sheegay Mr. Caarre oo shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Garowe.

Gen. Caarre ayaa sheegay in Somaliland xiligani loo dhamayn isla markaasna Beelaha midoobay ee Jeegaanta la isku dhaho masuuliyada ugu badan ay iyagu iska leeyihiin, waxaana uu ku baaqay xaalad dagaal oo deg deg ah.

Share on Facebook

1 Comment

  1. puntland waxan leyahay Gen Caare waxba idin tarimayo dhula idin xoran mayo meshisa ha’iska jogo asaga & askartisa wa nin mangalyo doon ah wa sax in uu iska joogo puntland hadu dono muqdisho ha ka hawl galo,puntland wax ween aya ka khaldan nidamka puntland su’usocdo sax ma’ah puntland dib ha’isugu noqoto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.