DAAWO:RW Khayre oo sheegay inuu heshiis dhex maray Axmed Madoobe & Qodobada lagu heshiiyey maxaa kamid ah?

KISMAAYO(P-TIMES)- Ra’iisal Wasaaraha soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa soo bandhigay najiijada kasoo baxday kulamadii uu la qaatay Madaxweynaha Jubbaland inta uu ku sugan yahay Magaalada Kismaayo xilli ay horay u jirtay in uu khilaaf ka dhaxeeyay Dowladda federaalka iyo Maamulka Jubbaland.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare kheyre in wax walba oo khilaaf ah oo jiray lagu dhameeyey wadahadal,isla markaana inta dhiman lagu dhameystiri doono Magalada Muqdisho oo uu imaanayo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray in os qab qabsiga uu qayb ka yahay dowladnimada, hayeeshee ugu dambeyn laga gaaray xal khilaafkii ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dhankiisa munaasabad xalay lagu qabtay kismaayo ka sheegay in uu dhamaaday khilaafkii ka dhaxeeyey dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland, isla markaana dhawaan uu tagayo Magalada Muqdisho.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.