DAAWO:Wararkii ugu dambeeyey ee Bosaso & Ardaydii ku dhaawacantay Iyo Kuwii ku dhintay shilkii gaari oo….

BOSASO(P-TIMES)- Cisbitalka guud iyo qaar kamid ah xarumaha caafimaadka magaalada Boosaaso ayaa waxaa goor dhoweyd la soo gaarsiiyey meydadka shan ruux iyo dhaawaca shan kale.

Maydadkan iyo dhaawacyaaan ayaa ah arday wax ka baranaysay dugsiga sare ee Ugaas Yaasiin Boosaaso isla markaana dalxiis u aaday duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Ardaydan oo ahayd kuwa hadda dhammaynayey dugsiga sare ayaa waxaa gaari kula rogmey duleedka deegaanka loo dalxiis tago ee Laag oo aan ka fogayn magaalada Boosaaso oo hada la geeyey dhaawacyada.

Masuuliyiinta gobolka Bari, maamulka degmada Boosaaso iyo saraakiil ciidan ayaa ku baxay goobta uu ka dhacay shiilkaasi waxaana ilaa hadda caddaynta sababta keentay shilkaasi baabuur iyo qaabka uu u dhacay.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRADA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.