DAAWO:Wararkii ugu dambeeyey ee Hadaaftimo, Xaalada magaalada & Jawiga maanta waa sidee?

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee degmada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah laga dareemayo deegaankaasi, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland oo ku gaashaam gaadiid dagaal oo gaadhaya 72 Tikniko ah ay qabsadeen deegaankaasi.

Shacabka ayaa cod dheer ku sheegay in ay la dagaalamayaan ciidamada maamulka Somaliland isla markaasna rasaas xoogan ayaa waxaa lagu furay dadka banaan baxayey oo ku dhawaaqayey erayo lidi ku ah ciidamada Somaliland.

Gaadiidka dad weynaha iyo shacab badan oo safar ahaan ayaa dib loogu celiyey magaalada Hadaaftimo, kuwaas oo kusii jeeday magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.Xiisad culus ayaa maanta laga dareemayaa deegaanka Hadaaftimo, waxaana xaaladu u muuqataa mid sii adkaanaysa hadii ay kusii sugnaadaan deegaanka Hadaaftimo ciidamada maamulka Somaliland.

Dhanka kale ciidamadani ayaa la sheegay in qaybtood ay ku wajahan yihiin degmada Xingalool iyo qaybo kamid ah gobolkaasi Sanaag oo haatan ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa Puntland iyo ka tirsan xukuumadda madaxweyne Denni oo iyaguna booqasho ku tagay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag kadib la wareegitaankii deegaanka Yubbe oo ciidamada Somaliland ay la wareegeen maalmo ka hor.

Madaxda Puntland ee iyaguna ku sugan magaalada Badhan ayaa wada qorshe safar ah oo ay isku diyaarinayaan in ay ku aadaan magaalada Garowe ee caasimada Puntland, waxaana xaalku uu yahay mid sii cuslaanaya.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Share on Facebook

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.