DEG DEG:Dagaal culus oo ka qarxi raba jiidaha hore ee Yubbe & Ku dhow 30 Tikniko ah oo gaadhay furimaha hore

BADHAN(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno degmada Yubbe ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in deegaankaasi ay gaadheen ciidamo hor leh oo ka tirsan kuwa Somaliland.

Ciidamadan oo wata in ka badan 25 gaadhi oo nooca dagaalka ah ayaa la sheegay inay kasoo ruuqaan sadeen deegaano ka tirsan goboladda Sool, Togdheer iyo galbeedka gobolka Sanaag isla markaasna fadhiisimo ciidan ay ka samaysteen goob aan ka dheerayn ciidamada Puntland.

Saraakiisha ciidamada Puntland oo warbaahinta kula hadlay Yubbe dushiisa ayaa sheegay inay talaabo ka qaadi doonaan ciidamada Somaliland iyo duulaank ay kusoo qaadeen gobolka Sanaag hadii aysan ka bixin deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka.

Duleedka magaalada Yubbe waxaa ku sugan wasiiro, xildhibaano, saraakiil ciidan iyo madaxda gobolka Sanag ee Puntland lamana oga sida uu jawigu noqon doono saacadaha soo socda.

Saan saan colaadeed ayaa laga dareemayaa deegaanka, waxaana cabsi xoogan ay soo food saartay shacabka deegaanka Yubbe.

Hogaamiyaasha ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa inta badan hanjabaado culus warbaahinta isku marinaya, waxaana is hor fadhiya ciidamada labada dhinac oo masaafo yar ay u dhaxayso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.