DEG DEG+DHAGAYSO:Maydadka & Dhaawaca oo la kala guri la’ yahay & Dagaalkii oo sii cuslaaday “40 Qof baa ku dhintay”

MUQDISHO(P-TIMES)- Ugu yaraan 40 ruux ayaa ku dhintay tiro intaas ka badana waa ay ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay deegaanka Cadale oo ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe, kadib markii laba malayshiyaad beeleed uu dagaal dhex maray.

Dagaalkan ayaa markii hore ka bilowday deegaanka Burdheere, waxaana kusii fiday deegaano hor leh oo hoostaga Cadale iyadoona la isku adeegsanayo hubka nooyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in dadkii dhaawacmay loo soo qaaday cisbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale weli socda dagaalka oo kusii baahaya deegaano hor leh oo ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO WARAYSIGA

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya goobaha uu dagaalka ka socdo ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada halkaas ay tahay mid kacsan ,isla markaasna rasaas culus laga maqlayo.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.