DEG DEG+DHAGAYSO:Wadooyin magaalada Hadaaftimo oo la gooyey & 72 Tikniko ah oo ku sugan + Rasaas xoogan oo lagu furay….

GAROWE(P-TIMES)- Degmada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag ayaa waxaa weli ka socda banaan bax xoogan oo looga soo hor jeedo ciidamada maamulka Somaliland oo la sheegay in gaadiid dagaal oo gaadhaya 72 Tikniko ah ay ku qabsadeen deegaankaasi.

Shacabka ayaa cod dheer ku sheegay in ay la dagaalamayaan ciidamada maamulka Somaliland isla markaasna rasaas xoogan ayaa waxaa lagu furay dadka banaan baxayey oo ku dhawaaqayey erayo lidi ku ah ciidamada Somaliland.

Gaadiidka dad weynaha iyo shacab badan oo safar ahaan ayaa dib loogu celiyey magaalada Hadaaftimo, kuwaas oo kusii jeeday magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO CODADKA SHACABKA

Xiisad culus ayaa maanta laga dareemayaa deegaanka Hadaaftimo, waxaana xaaladu u muuqataa mid sii adkaanaysa hadii ay kusii sugnaadaan deegaanka Hadaaftimo ciidamada maamulka Somaliland.

 

Share on Facebook

1 Comment

  1. Muuse caaq waxaa u sahlan in uu qabsado Qardo iyo Garoowe waayo waa duul simaan oo teknikadu durduris ku mari kado. Maxaa ku kalifay buuraha warsangali

Leave a Reply

Your email address will not be published.