DHAGAYSO:Doorashadii ka dhici lahayd Galmudug oo war culus laga soo saaray & Madaxweyne Xaaf oo….

DHUUSAMAREEB(P-TIMES)- Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowladd goboleedka Galmudug ayaa waxaa maanta kulan ku yeeshay gollaha wasiiradda Galmudug, iyadoo looga hadlay arrimo kala duwan.

Kulankan ayaa waxaa ka qayb galay madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, madaxa xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo gollaha wasiiradda Galmudug, waxaana looga hadlay arrimaha dhaqaalaha, jiheynta siyaasada, dar dargalinta hawlaha hor yaalla gollaha wasiirada Galmudug.

Markii uu kulanka soo dhammaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir waxa uuna sheegay in Galmudug ay hal Dastuur ah leedahay ayna ku heshiiyeen Dastuurkaasna ay ku shaqeyn doonaan.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO CODKA

Sidoo kale Sheekh Shaakir ayaa sheegay in Galmudug aysan ka dhici doonin wax doorasho ah sanadkan isla markaana wixii doorasho ah ay dhici doonaan saddex kadib.

Ugu dambeyntii madaxa xukuumadda Galmudug ayaa tilmaamay in heshiiskii ay wada galeen Galmudug iyo Ahlusunna Waljameeca uu yahay bilow maamulkaas.

Share on Facebook

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.