DHAGAYSO:Hadaaftimo oo war culus kasoo kordhay & Gudoomiye Puntland ah oo sheegay in Ciidamada Somaliland…..

GAROWE(P-TIMES)- Maamulka degmada Hadaaftimo ayaa beeniyey in ciidamado ka tirsan Somaliland ay maanta la wareegeen degmada Hadaaftimo, waxaana gudoomiyaha degmada Hadaaftimo oo la hadlay Radio Garowe uu sheegay in ciidamada Somaliland aysan la wareegin deegaankaasi isla markaasna ay weli ku sugan yihiin deegaanka Yuubbe oo dhaca duleedka degmada Hadaaftimo oo maalmo ka hor ay la wareegeen.

Ciidamada Somaliland ayaa la sheegay in 72 Tikniko ah ay ku qabsadeen deegaanka Hadaaftimo, waxaana shacabku cod dheer ku sheegeen in ay la dagaalamayaan ciidamada maamulka Somaliland isla markaasna rasaas xoogan ayaa waxa ay ku fureen dadkii banaan baxayey oo ku dhawaaqayey erayo lidi ku ah ciidamada Somaliland.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO WARAYSIGA

Gaadiidka dad weynaha iyo shacab badan oo safar ahaan ayaa dib loogu celiyey magaalada Hadaaftimo, kuwaas oo kusii jeeday magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Xiisad culus ayaa maanta laga dareemayaa deegaanka Hadaaftimo, waxaana xaaladu u muuqataa mid sii adkaanaysa hadii ay kusii sugnaadaan deegaanka Hadaaftimo ciidamada maamulka Somaliland.

WARARKA HADAAFTIMO HALKAN HOOSE KALA SOCO 

DAAWO:Wararkii ugu dambeeyey ee Hadaaftimo, Xaalada magaalada & Jawiga maanta waa sidee?

DEG DEG+DHAGAYSO:Wadooyin magaalada Hadaaftimo oo la gooyey & 72 Tikniko ah oo ku sugan + Rasaas xoogan oo lagu furay….

WAR DEG DEG AH:Ciidamada Somaliland oo hada qabsaday Hadaaftimo & Deegaano hor leh oo ay afka saareen “Wasiirada Badhan ku sugan maxay yeeli doonaa”

Share on Facebook

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.