DHAGAYSO:Wararkii ugu dambeeyey ee Gaalkacyo & Dhimashadu oo maraysa 6 Qof + Ciidamadii ugu badnaa oo…..

GALKACYO(P-TIMES)- Ugu yaraan 6 qof waa dhintay halka tiro intaas ka badana ay dhaawacantay kadib markii dagaal uu saaka ku dhex maray deegaanka Bada Dheere ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo malayshiyaad beeleedyo hubaysan oo dhuul isku qabsaday.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee gobalka Mudug Cabadulaahi Faarax Gulled iyo gudoomiye ku xigeenka labaad Maxamed Cumar Af Dhuub oo goobta falkaasi ka dhacay tagay ayaa warbaahinta faah faahin qaabka uu ku bilowmay dagalkaasi iyo khasaaraha ka dhashay, iyagoona sheegay in dhinacyada ku dagaalamay deegaankaasi ay haatan ciidamo kala dhex dhigeen.

HALKAN HOOSE KA DHAGAYSO CODKA

Gudoomiyaha ayaa sheegay in isimadda dhaqanka iyo waxgaradku ay ku hawlan yihiin xal ka gaadhida dagaalkaasi is qab qabsiga dhuleed ee ka jira goobta dagaalkaasi ka dhacay.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.