Dowladd caan ah oo ku dhawaaqay arin ka farxisay Shacabka & DFS, Qaraxyada Muqdisho miyaa xal loo helayna?

NAIROBI(P-TIMES)- Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ka faa’iideysto ​​$ 1 milyan oo doolar oo ka imanaysa Dowladda Japan si ay u taageeraan mashaariicda ay fulinayso Hay’addaha Qaramada Midoobe gaar ahaan kuwo la dagaalama Miinooyinka iyo Qaraxyadda.

Dowladda Japan ayaa sheegtay in ay muhiimad gaar ah siin doonto Barnaamijyadda looga hortaggayo qaraxyadda waxyeeladda badan gaysta ee Soomaaliya.

Dowladda Japaan waxa ay sheegtay in mashruucan uu sare u qaadi doono hanaanka amaanka Soomaaliya islamarkaasna uu keeni doono dib u gabasho dhanka amaanka ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Japaan ayaa sheegay in Soomaaliya iyo dalal kale ee Afrika Japan ay siin doono mashaariic kala duwan oo lagu horumarinayo amaanka iyo dib u dhiska.

Dowladda Japan ayaa kamid ah dowladdaha taageeradda siinaya Soomaaliya, waxaana sanadihii ugu dambeeyay ay waday mashaariic kala duwan.

Soomaaliya iyo todoba waddan oo kale ayaa ka faa’iideystay ​​$ 5.2 milyan oo Dollar oo ka timid dowladda Japan si ay u taageeraan mashaariicda ay fulinayso Hay’adda Qaramada Midoobe ee horumarinta warshadaha (UNIDO) sanadkii 2018-ka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.