Manchester City oo ganaax culus la dul dhigayo isbuuca soo socda

NAIROBI(P-TIMES)- Manchester City ayaa usbuuca soo socda ama labada usbuuc ee nagu soo fooda leh la dul dhigi doonaa ganaax wayn sida ay shegayaan ilo wareed laga helay FIFA.

Kooxda Pep Guardiola ayaa lagu wadaa in laga ganaaxo labada suuq ee kala iibsiga ciyaartoyda ee soo socota kaddib markii ay jabiyeen sharciga la soo wareegista ciyaartoyda da’yarta ah.

Goor dhow ayay ahayd markii ay FIFA ganaaxday Chelsea, Man City ayaana iminka lagu wadaa in la dul dhigo ganaax la mid ah kii Blues.

Qof ka tirsan FIFA ayaa SunSport u sheegay inay baaritaano waqti dheer ah ku hayeen kooxda Manchester City isla markaana goor dhow usbuuc ama labo usbuuc gudahood ay shaacin doonaan in City la dul dhigay ganaax la mid ah kii Chelsea.

Blues ayaa xitaa laga diiday racfaan ay u gudbisay FIFA kaa oo ahayd in ugu yaraan dib loo dhigo ganaaxa laga saaray suuqa si ay ciyaartoy cusub ula soo wareegaan.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.