Qarax ka dhacay gobolka Mudug oo sababay khasaare kala duwan

GAALKACYO(P-TIMES)- Ugu yaraanta inta la xaqiijiyey labo Qof ayaa ku dhaawacantay qarax miino uu la kacay gaadhi marayey dhanka bari ee degmada Galdogob ee gobolka Mudug sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaankaasi.

Gaadhiga qaraxu haleelay ayaa noociisa lagu sheegay iska rogo, waxaana la sheegay in uu ka shaqayn jiray gudaha magaalada isla markaasna uu soo qaadi jiray dhagaxaanta iyo caradda lagu dhiso guryaha.

Gaadhigan ayaa miinadu la kacday xili uu marayey deegaanka lagu magacaabo Taloole oo qiyaastii 6 KM dhanka bariga kaga beegan magaalada Galdogob ee gobolka Mudug.

Qaar kamid ah dadka degaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in guud ahaan uu bur buray gaadhigaasi qaraxu haleelay, waxaana xaalada hada lagu dabiibayaa dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi cisbitaalada ku yaala degmada Goldogob ee gobolka Mudug.

Share on Facebook

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.