SAWIRO:Messi oo u miliqsanaya inuu dhulka la gooyo Cristiano Ronaldo & Dhoola tus culus oo uu sameeyey kadib kulankii….

NAIROBI(P-TIMES)- Kooxda Barcelona ayaa guul muhiim aheyd ka gaartay kooxda Real Betis kaddib markii ay kaga adkaadeen 4-1.

Qeebtii koowaad ee ciyaarta kooxda Barcelona ayaa soo bandhigay qaab ciyareed aad u cajiib waxa ay hogaanka ciyaarta ku qabteen lab gool qeebtii hore ee kulankaba.

Kabtanka Messi ayaa daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta u dhaliyey gool koowaad kooxdiisa Barcelo oo ku gacan sareysay kulanka .

Kooxda Barcelona oo isku dayo kale sameeneysay ayaa markale heshay goolka labaad ee ciyaarta waxaana mar kale shabqa gaaray Messi kaddib caawin uu ka helay Suarez daqiiqadii 45-aad ee ciyaarta .

Kooxd Real Betis oo ku ciyaareysay garoonkeeda ayaan la imaan wax gool kulan ciyareedka qeebtiisa koowaad wallow ay sameyeen dhow fursadood .

Qeebtii koowaad ee kualnka ayaa lagu kala maray 2-0 oo ay ku hogaamineyso kooxda Barcelona , balse nasiino kaddib waxaa dib loo anba qaaday qeebtii dambe ee ciyaarta .

Barcelona ayaa sii wadatay bandhiga goolasha waxa ayna heleen goolkii sedexaad ee ciyaarta waxaana shabaqa gaaray Suarez kaddib caawin uu ka helay Pique.

Kooxda Betis ayaa iska soo celisay gool deen ah iyaga oona ciyaarta ka dhigay 3-1 waxaana goolkaas u dhaliyey xidigooda lagu magacaabo Moron daqiiqadii 82-aad ee ciyaarta .

Mishiinka dhaqaajiya Barcelona ee Messi ayaa gaaray markii sedexaad shabaqa isag oona dhaliyey goolasha loo yaqaan sedex leyda kaddib caawin uu ka helay Ivan Rakitic daqiiqadii 85-aad ee ciyaarta.

Ugu dambeen kulanka ayaa ku dhamaaday 4-1 oo ay ku awood sheegatay kooxda Barcelona xili Messi ay u aheyd habeen u wanaagsan madaama uu dhaliyey sedex ley.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.