WAR CULUS:Cristiano Ronaldo oo Niyad jab & Khatar xoogan ugu jira inuu seego kulamo xasaasi ah kadib markii….

NAIROBI(P-TIMES)- Cristiano Ronaldo ayaa khatar ugu jira inuu seego kulanka wareega 8-da Champions League ay Juventus ku wajaheyso Ajax kadib dabaal dagii uu sameeyay ciyaartii uu saddexlayda ka dhaliyay Atletico Madrid lugta labaad ee wareegii 16-ka.

Laacibka reer Portugal ayaa dhaa-dhaajinayay tababare Diego Simeone kaa oo xaniinyahay qabsaday kadib markii ay kooxdiisa 2-gool uga adkaatay marwada duqda ah lugtii hore ee wareega 16-ka.

UEFA ayaa iminka dacwad anshax xumo ah ku soo oogtay Cristiano Ronaldo taa oo ka dhalan karta in la ganaaxo laacibkii hore ee Real Madrid.

Xiriirka kubadda cagta Yurub ayaa sidoo kale xaqiijisay in kiiska Ronaldo ay la tacaali doonto khamiista soo socota.

Simeona oo sameeyay falkan oo kale ayaa lagu ganaaxay 17,000 oo Bound balse lagama ganaaxin garoonka, hayeeshee 34-jirka reer Portugal ayay u badan tahay in lagu rido ganaax garoon kaas oo uu ku waayi doono ka qayb galka kulamo xasaasi ah.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.