Maydad & Dhaawacyo badan oo la geeyey magaalada Bosaso kadib markii…..

GAROWE(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka helayno gobolka Bari ayaa sheegay in ugu yaraan 5 qof ay ku geeriyootay 5 kalena ay ku dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kadib markii gaari ay la socdeen dadkuu uu qalibmay.

Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay shilkan ayaa la sheegay in ay u badan yihiin arday Dalxiis ugu socotay deegaanka Laag oo 30 KM u jira magaalada Boosaaso, waxaana goobta shilku ka dhacay gaaray masuuliyiin ka tirsan Puntland.

Ardayda dhaawcyadu ay soo gaareen ayaa loo soo qaaday cisbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso halkaas oo lagu dabiibayo, waxaana dhakhaatiirtu ay sheegeen in dhaawacyadu ay u badan yihiin lafaha ah oo bur buray ardayda.

Wixii kusoo kordha warkaasi kala soco WWW.PUNTLANDTIMES.COM

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.