WAR DEG DEG AH: Dhimashada oo sare u dhaaftay 40 Qof & Dad lagu xasuuqay labo Masaajid

MUQDISHO(P-TIMES)- Ugu yaraan 49 qof ayaa lagu dilay labo masaajid oo ku yaal dalka New Zealand, waxaana dadka la dilay saddex kamid ah ay yihiin Soomaali.

Allaha u naxariistee dadkani ayaa isku diyaarinayey ka qayb qaadashada salaada Jimcaha, waxaana dab weerar ku qaaday ay dileen 49 kamid ah dadkaasi oo lagu weeraray labo masaajid.

Taliyaha booliiska dalka New Zealand ayaa qabtay shir jara’id oo uu dadka kula wadaagayo warbaahinta wararkii ugu dambeeyay ee weerarka lagu qaaday dadkan cibaadaysanayey.

Mid kamid ah dadkii dhaawaca ahaa ee la dabiibayey ayaa hada naftu ka baxday ayuu yiri isaga oo shirkiisa jaraa’id sii wata.

Ciidamada amaanka ayaa hada hawlgalo xoogan, waxaana ay xooga saarayaan soo qabashada kooxihii la dambeeyey weerarka dadka badan ee Muslimiinta ah lagu laayey.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.