WAR DEG DEG AH:Ciidamadii ugu badnaa oo afka saaray jiidaha gobolka Sanaag & Gaadiid dagaal oo ku wajahan Yubbe “Is difaaca oo dagaalama”

GAROWE(P-TIMES)- Wararka ka imaanay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in ciidamadii ugu badnaa oo wata gaadiidka dagaal ay afka saareen dhanka deegaanka Yubbe ee gobolka Sanaag oo ay maalin ka hor qabsadeen ciidamada Somaliland.

Ciidamadani oo ku gaashaamaan gaadiid gaadhaya ilaa 30 gaadhi oo nooca dagaalka ah ayaa la sheegay in ay kasoo baxeen furimaha dagaalka deegaanka Galgala ee ay hore ugu sugnaayeen haatana ay ku wajahan yihiin deegaanka Yubbe oo xiisad dagaal laga dareemayo.

Saraakiisha ciidamadani hogaaminaysa ayaa wacad ku maray in dagaal ay ku wajahaan ciidamada Somaliland isla markaasna ay ka qabsadaan deegaano badan.

Shacabka magaalada Badhan oo la hadlay Puntlandtimes.com ayaa sheegay in aysan ku hakan ciidamadani magaalada oo ay uga sii gudbeen dhanka deegaanka Yubbe.

Magaalada Garowe ayaa waxaa iyaguna ka baxaya ciidamo ka tirsan kuwa difaaca Puntland iyo xubno isugu jira xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Puntland, kuwaas oo ku wajahan deegaanka Yubbe oo laga yaabo in xaalad dagaal ay ka dhacdo.

Ciidamada Somaliland ayaa duulaan ku qabsaday deegaanka Yubbe maalin ka hor, waxaana hada ka taagan xiisad culus taas oo sababi karta dagaal dhex mara Somaliland iyo Puntland.

Wixii kusoo kordha warkaasi kala soco PUNTLANDTIMES.COM

Share on Facebook

4 Comments

  1. Waa gardarro joogta ah, ee aan loo dulqaadan karin, maxaa keenay Yubbe, hade taasi mid la qaadan karo ma aha. waana in la garaacaa Xaaraantaa.

  2. Dadkan waxay ubahan yihin wax ukala garsora,manta dhulka lugu dagalamayo wa dhul ilahay,dhulka ilahay in lagu kibro wa xaran dadka dhimanaya oo sida micno darada ah ku dhimanaya wa in laga fakara,puntland & somaliland dhulka aay ku muransan yihin wa dhul cidla ah oo dadka joga gajo & haraad ugu ildaran yihiin dad & duunyo,ayaguna hub & rasaas ayey isugu godiyan.

  3. Waa in lalaaya xaaranta putland adeerayal ilaa GAROOWE ayaanu iman hadaad joogi weydan aayar GUUL CIDAMADA SOMALILAND

Leave a Reply

Your email address will not be published.