WAR HADA SOO DHACAY: Hubka oo lasoo wada gurtay & Diyaar garowgii ugu cuslaa ee Somaliland looga xooraynayo gobolka Sanaag oo socda “Shacabkii xataa dagaalka……

BADHAN(P-TIMES)- Diyaar garawgii ugu dambeeyey ee dagaalka Somaliland looga xoraynayo degmada Yubbe iyo deegaanada hoostaga ee gobolka Sanaag ayaa waxa uu ka socdaan haatan qaybo kamid ah gobolkaasi.

Degmada Hadaaftimo oo degmo ahaan u xigta deegaanka Yubbe ayaa waxaa hada ku sugan masuuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo u diyaar garoobaya soo dhoweynta ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo saacadaha soo socda ku wajahan furimaha hore ee la isku hor fadhiyo ee Yubbe.

Ciidamada labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland ayaa isku muuqda, waxaana socda diyaar garow dagaal oo xoogan.

Gurmadka ciidamada iyo tiknikada dagaalka ayaa kusii qul qulaya jiidaha hore oo laga yaabo in dagaal uu ku dhex maro ciidamada Puntland iyo Somaliland.

Madaafiicda goobta dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa hada isku muuqda, waxaana masaafo yari ay u dhaxaysa labada ciidan ee Puntland iyo Somaliland.

Shacabka gobolka Sanaag ee ku sugan deegaanada ku dhow dhow jiidaha hore ayaa iyaguna wada dadaala ay ku caawinayaan ciidamada Puntland, waxaana ay bilaabeen inay u geeyaan raashin iyo cunto fudud oo ay u diyaariyeen ciidamada.

Jawiga maanta ee Yubbe ayaa aad u kacsan, waxaana labada dhinac kaga sugan ciidamo badan, halka saac walba gaadiid gaashaaman oo dagaal iyaguna ay gaadhayaan jiidaha hore ee gobolka Sanaag.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.