XASAASI: Isku aadka sideed dhammaadka Champions League oo maanta la samaynayo, Kooxaha madaxa is galin doonam Saacadaha la samayn doono & Xoggo rasmi ah oo….

NAIROBI(P-TIMES)- Waxaa habeen hore soo idlaaday wareega 16 ka Champions League iyadoo ay si sahlan ku soo bexeen Barcelona iyo Liverpool.

UEFA ayaa dib u soo celisay sharci hore kaa oo ah in marka la sameeyo isku aadka wareega sideed dhammaadka ay kooxaha si toos ah u sii ogaan doonaan cida ay ku aadi doonaan haddii ay u soo gudbaan wareega afar dammaadka ‘Semi final ka’

Haddaba waxaa Maanta oo Jimco ah la sameyn doonaa isku aadka wareega sideed dhammaadka Champions League.

Halkan ka aqriso xog kasta oo aad ugu baahan tahay isku aadka.

Waa kuwee 8-da koox ee soo baxay?

Barcelona, Juventus, Man United, Liverpool, Man City, FC Port, Tottenham iyo Ajax.

Goorma ayaa la sameynayaa isku aadka halkeesa lagu sameynayaa?

Isku aadka wareega sidaada ayaa la sameyn doonaa maanta oo Jimce ah marka ay saacada dhankeena tilmaameyso 2:00 Duhurnimo, isku aadka ayaa lagu sameyn doonaa magaalada Nyon ee dalka Switzerland.

FIIRO GAAR AH: Kooxaha ayaa isla maanta ogaan doona cida ay la ciyaari doonaan wareega afar dhamamadka ama Semi Final ka

Sidee isugu aadi karaan kooxaha?

Kooxaha ayaa isugu aadi doona si kasta iyo nuuc kasta oo ma jiro sharci la ilaalin doono sida in la kala weeciyo kooxaha isku dalka ka yimid, Tusaale ahaan way isku aadi karaan afarta koox ee ka socota Ingiriiska, Man United, Man City, Liverpool iyo Tottenham.

Goorma ayaa la ciyaarayaa kulamada sideed dhammaadka Champions League?

Lugta hore ee wareega sideed dhammaadka ayaa la ciyaari doonaa April 9 iyo 10 halka lugta labaad la ciyaari doono usbuuc kaddib April 16 iyo 17 .

Share on Facebook

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.