XASAASI: Ra’iisal Wasaare Khayre & Axmed Madoobe oo qorshe cusub lasoo baxay Iyo Farmaajo oo daaqada laga saari doono marka laga gaadho…..

KISMAAYO(P-TIMES)- Kulan xasaasi ah oo ka dhacay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo dhaxeeyey Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ku simaha taliyaha hay’adda NISA ahna taliye ku xigeenka NISA Fahad Yaasiin oo Talaadadii hore tagay magaalada Kismaayo iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa waxaa lagaga hadlay sidii loo dhamayn lahaa khilaafkii u dhaxeeyey dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Kulankan oo saxaafadu ay dibad joog ka ahayd ayaa looga hadlay dhowr arimood oo ay kamid ahaayeen doorashada Jubbaland iyo sidii maamulka Jubbaland xubno ugu yeelan lahaa dowladda federaalka isla markaasna gollaha wasiirada Soomaaliya ayaa isku shaandheyn lagu sameyn doonaa.

Ilo xog-ogaal ah kana qayb galay kulankaasi ayaa Puntlandtimes.com u sheegay in wada hadalada labada dhinac ay inta badan isku fahmeen qodobadii ay kawada hadleen, waxaana jirta isku shaandhayn lagu samayn doono gollaha wasiirada Soomaaliya oo xubno wasiiro uu ku yeelan doono maamulka Jubbaland.

Qodobkani ayaa Axmed Madoobe u saamixi doona in wasiirada cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya uu Xasan Cali Khayre la tashi kala sameeyey shakhsiyaadka loo magacaabayo xilalka ee kasoo jeeda deegaanada Jubbaland, waxaana ilo xogo gaal ah ay sheegeen in labada masuul ay ku heshiiyeen in ay garab iskaga siiyaan doorashooyinka dalka ka dhici doona oo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre uu u sharaxan yahay xilka madaxweynaha dalka halka Axmed Madoobe uu isna u taagan yahay mar saddexaad in uu noqdo hogaamiyaha Jubbaland oo haatan uu garab ku siinayo Ra’iisal wasaare Khayre.

Doorashada Jubbaland ayaa la filayaa in ay dhacdo Bisha August ee sanadkan 2019, waxaana xukuumadda Khayre ay xiligani wadaa madaxweyne Axmed Madoobe oo markii saddexaad doonaya in uu noqdo hogaamiyaha Jubbaland.

Musharaxiinta Jubbaland qaarkood oo warbaahinta ka hadlay ayaa Axmed Madoobe ku eedeeyey in uu cabudhin ku hayo shacabka Jubbaland, waxaana Ra’iisal wasaaraha ay sheegeen in uu garab ku siinayo mar saddexaad sidii Axmed Madoobe ku noqon lahaa madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa kuwada loolami doona doorashada soo socota ee dalka ka dhici doonta, waxaana mid walbaaba uu halgan culus u gali doonaa hanashada kursiga madaxtinimada dalka.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa weli ka socda kulamo xasaasi ah oo u dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.