Baarlamaanka Soomaaliya oo su’aalo adag weydiiyey Taliyaasha Ciidamada, maxayse kujawaabeen?

MUQDISHO(P-TIMES)- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta leh kulan xasaasi ah oo looga hadlayo su’aalo weydiinta Taliyaasha iyo wasiiradda Ammaanka ee dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Xildhibaano badan ayaa is qoray, ilaa hadda waxaa jawaabay Taliyaasha Nisa iyo Booliska waxayna ka hadleen arrimo laga weydiiyey ammaanka.

Taliye Kusimaha NISA Fahad Yaasiin oo inta badan iska qariya Saxaafadda fadhigana tagay maanta, ayaa la weydiiyey su”aalo kusaabsan xirnaanshaha wadooyinka iyo Xariga Mukhtaar Roobow.

Fahad wuxuu sheegay in uusan amarkiisa lagu soo qaban Roobow, xarigiisana aysan waxba kala socon oo ay tahay in la weydiiyo laamaha garsoorka.

Suaalaha iyo jawaabaha ayaa wali socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.