BREAK NEWS:Maamul Goboleedkii ugu horeeyey oo xiriirka u jaray xisbiyada siyaasadeed ee ka jira dalka

MUQDISHO(P-TIMES)- War qoraal ah oo kasoo baxay Dawlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in la hakiyey Wada shaqeyntii Koonfur Galbeed la lahaayeen Xisbiyada Siyaasadeed Ee Dalka Ka jira.

Wasaarada Arimaha Gudaha Ee Koonfur Galbeed ayaa sababta kusoo bandhigin Qoraalkeeda waxay ku qoonsatay Wada shaqeynta,balse ay shaacisey inay ku faraxsan tahay in Xisbiyada Siyaasadeed Ee Dalka ka hanaqaadaan.

Wasiirka arimaha Gudaha KGS Maxamed Abuukar Cabdi ayaa waxa uu sheegay in ay doonayaan oo ay ku war geliyeen inay shaqooyinkii ay Deegaanada Koonfur Galbeed Xisbiyada Ka qaban lahaayeen Hakiyaan oo dib udhigaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.