Barlamaanka Somaliya Oo Ku Shiraya Garowe , Maxay Tahay Sababta Ka Dambeysay Arintaas?

NAIROBI(P-TIMES)- Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in shirka shanaad ee gollayaasha xeer dajinta dalka uu ka furmi doono maalinta Isniinta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 8-da April ka furmaya magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

Shirkan ayaa ah mid sanadkiiba mar la qabto, waxaana wada yeelan doona golayaasha xeer dajinta heer federaal iyo heer dowladd goboleed halka masuuliyiin kalena ay ka qayb gali doonaan shirkaasi.

Maalmaha soo socda waxaa magaalada Garowe gaadhi doona wufuud kala duwan, waxaana maanta gaadhay magaalada Garowe wafti hor dhac ah oo uu hogaaminayo xoghayaha guud ee gollaha shacabka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux), kuwaas oo garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ay kusoo dhoweeyeen gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo madax kale oo ka tirsan dowladda Puntland.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka dalka Mahad Cabdalla Cawad iyo wafti uu hogaaminayo ayaa iyaguna tagi doona magaalada Garowe, kuwaas oo kulamo la qaadan doona madaxda Puntland iyo hogaamiyaasha Baarlamaanka Puntland.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii hore qorshihiisu ahaa in uu tago magaalada Garowe hasa yeeshee safarkiisa ayaa u baaqday furitaanka kal-fadhiga Shanaad ee Baarlamaanka dalka oo maanta uu hadheeyey buuq iyo sawaxan ka dhex dhashay xildhibaanada Baarlamaanka dhexdooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.