DAAWO: DF Soomaaliya oo ka hadashay shirkii ku soo dhamaaday magaalada Nairobi, Fariin-na u dirtay Siyaasiinta

MUQDISHO(P-TIMES)- Dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeyasy ka hadashay shirkii Siyaasiinta Soomaalida ugu soo dhamaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana ay sheegtay in loo baahan yahay in laga shaqeeyo danaha Soomaaliyeed, dadaal badana lagu bixiyo sidii horey loogu dhaqaajin lahaa dawladnimada dalka.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Daahir Maxamuud Geelle ayaa jawaab layaab ah siiyay Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku shiray magaalada Nairobi, isagoo ku tilmaamay inay yihiin dad saamiley leh oo wax ku leh dowladnimada.

Mr Daahir Geelle ayaa sheegay inay dowladdu wado hannaan isu raadin ah, isla markaana loo baahan yahay in mucaaradka aysan sii fogeyn sida ay hadda wax u wadaan.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle, ayaa ugu baaqay Siyaasiyiint

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle, ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta ku shiraya Magaaladda Nairobi in aysan ku fogaan mucaarad nimadda "Dowladdu waxay wadaa isku raadin laakiin mucaaradka ku shiraya dibada yaysan isbiidka ka badin hadii aysanba dhaafayn mucaaradada" ayuu yiri Wasiir Dahir Maxamuud Geelle. https://youtu.be/wg1oxQE_4uU

Posted by Dalsan TV on Monday, April 22, 2019

1 Comment

  1. mucaarad waa calooshoodda doonayah in ay wax bililiqaystaan
    waxay Kenya utageen in ku dhiiri giliyaan boobka dhulka iyo badda somaaliyeed
    si ay uyiraahdaan horay usoco waa ku garab taaganahay in taasaa umadda somaaliyeed waxay kaloo doonayaa in dowladaa meesha lagasaar oo soomaaliya qof ka socdah united nation ka road map maheegga waxay rabaan in lagu noqdoh xiligi qofka lasoo qabsado meelagu xirtoh oo layiraahdo hooyadaa baa Canada joogtah ee toban kun oo dollar oo madax furasha ah ha soodirto

Leave a Reply

Your email address will not be published.