DAAWO: M/weynaha Somaliland oo ka hadlay Ciidamadiisa kusugan Jiidaha Hore ee Puntland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo maanta la kulmay salaadiin iyo cuqaal ka kicitimay gobolka Sanaag ayaa markii ugu horraysay ka hadlay ciidamada Somaliland ee dhawaan tagay magaalada Yubbe ee gobolka Sanaag, wuxuuna yidhi;

“Ciidamada Yubbe joogaa gobolka aad odayaasha ka tihiin bay nabadgelyadiisa u joogaan, nabadgelyada dadka ayey sugayaan iyo inay dadkana kala ilaaliyaan, cadowgana idinka ilaaliyaan, innaguna iskuma soo duuli karno oo xoog iskuma muquunin karno.”

 

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.