Daawo : Muxuu Yahay Ujeedka Nin 50 Waddan Awr Ku Soo Maray Oo Somaliland Gaaray

Axmed Wali Alqaasim oo ah nin u dhashay Yemen kuna safra kaliya Awar ayaa gaaray bariga Somaliland xilli ninkaan uu sheegay in illaa 50 dal oo ku yaal Qaaradda Asia iyo Africa uu ku maray socdaalkaan la yaabka leh .

Waxa u sheegay in afarti sano hal sanno uu sameeyo socdaalkaan la yaabka leh isaga oo xusay in uu soo waday arintaan muddo 25 sano ah .

Mar la weydiiyay ujeedka ka dambeeya arintaas ayuu yiri” socdaalkaan waa aqoon kororsi , ku cibro qaadasho , barashada bani`aadamka iyo arlada iyo dabeecadda” hoos ka daawo muuqaalkaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.