DAAWO: RW Kheyre oo sameystay ciidamo daacad u ah, maxayse qabtaan?

MUQDISHO(P-TIMES)- Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa lagu eedeeyey in uu sameystay ciidamo daacad u ah, kuwaas oo aan ka amar qaadan taliyaasha Milateriga iyo Booliska Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdifitaax oo katirsan baarlamaanka Faderaalka kana hadlayay doodii Amniga ee shalay ayaa sheegay in ay arkeen maleeshiyada gaarka ah ee uu Raysalwasaaruhu sameystay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay ciidamadan yihiin kuwa ladhigay jidadka qaarkood, sidaas oo kalena lagu handadayo Xildhibaanada iyo siyaasiinta aragti ahaan ka soo horjeeda Xukuumadiisa.

Ciidamadan ayaa maalmihii u dambeeyey lagu arkayay jidadka qaarkood, gaar ahaana Goobo muhiim ah, waxaana lagu sheegay kuwa heyb ahaan xiga Raysalwasaaraha oo tababaro dhawaan lasiiyey.

Xildhibaan C/fataax"Ra'iisul-wasaaruhu wuxuu sameystay Ciidamo u dhaqma sidii Burcaddii oo aan amar ka qaadan…

Posted by Dalsan TV on Saturday, April 13, 2019

1 Comment

  1. Hadii Aay Run Tahay oo aaysan Dacayad ahan,Cidamada khaska ah oo muqdisho melo kamid ah kashaqeya oo layiri waxa si gaara usameysatay Ra’iisalawasaraha somaliya Xassan Cali khayre,waxay tasi noqonaysa waxan waliged somaliya ka dhicin & waliba adunka mana noqon karto arin sii shaqaysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.