DAAWO SAWIRO:Taliska ciidanka oo hada warbaahinta u soo bandhigay saldhigyo ay qabsadeen & Hub fara badan oo kadib dagaalkii…

TUKARAQ(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee kusoo dhacaya warqabadka Puntlandtimes.com ayaa sheegaya in ciidamadu ay galeen fariisimo muhiim ah ayna qabteen dhamaan hubkii iyo saanaddii ay lahaayeen dagaalyahanada kooxda Alshabaab.

Taliye ku xigeenka ciidamada booliska Gen. Zakiya Xuseen ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada amniga ay soo qabteen hub aad u fara badan oo lagu aasay God weyn oo ku yaalla Ceelasha Biyaha, kadib markii ay heleen xog.

Wararka ayaa sheegaya in keydka hubka u ahaa keyda ugu weyn ee Alshabaabka ka howlgala Muqdisho iyo nawaaxigeeda ay adeegsadaan.

Lama bixin faahfaahin kale io muuqaalka hubka la sheegay in lasoo qabtay ee faraha badan, waxaana la sugayaa in loo bandhigo saxaafadda.

Saraakiisha Ciidanka waxa ay sheegeen in Qaraxyadda la doonaayay in lagu dhibaateeyo Ciidamada dowladda Soomaaliya xilliyadda ay isticmaalayaan Wadooyinka. weli lama shaacin In howgalkaasi lagu soo qabtay shaqsiyaad marka laga Reebo waxyaabaha Qarxa.

HALKAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRADA

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.