DAAWO:Dadkii kufsaday dilayna Hodan Axmed oo gacanta lagu dhigay & Ciidamada amaanka oo Saddex Qof…..

BOSASO(P-TIMES)- Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ee caasimada Puntland ayaa sheegaya in ciidamada amaanka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigeen qaar kamid ah ragii ka dambeeyey kufsigii iyo dilkii AUN Hodon Axmed oo maalmo ka hor lagu dilay magaalada Garowe.

Ciidanka amaanka ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen saddex qof oo la sheegay inay qirteen inay ka dambeeyeen falkaasi isla markaasna waxa ay sheegeen in ay ahaayeen shan ruux oo labadii kale hada lagu raad joogo.

Xabsiga magaalada Garowe ayaa lagu hayaa saddexda qof ee qirtay in ay ka dambeeyeen falkaasi, waxaana xaalku hada yahay mid xasaasi ah xili weli ay socdaan baaritaano xoogan oo ay wadaan ciidamadu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.